Mucaaradka Puntland oo soo saaray war-murtiyeed xasaasi ah kuwaas oo caddeyay mowqifkooda doorashada cakiran

Musharixiinta mucaaradka ah ee Puntland oo kulamo xasaasi ah uga socday magaalada Garowe, ayaa ugu baaqay baarlamaanka maamulkaasi in ay ka fogaadaan fal kasta oo qalalaase siyaasadeed iyo mid amni ku keeni kara maamul goboleedka Puntland, iyaga oo ku dhawaaqay in la qabto doorashadii hore, meeshana ka saaray midii dhawaan ay waday xkuumadda ee qof iyo codka aheyd.

Musharrixiinta  ayaa sheegay inaysan kalsooni badan ku qabin in Madaxweyne Saciid Deni uu qabto doorasho hal qof ah 1-da Janaayo 2024, waxayna rumeysan yihiin in madaxweynaha uu doonayo inuu waqti kororsi sharci darro ah oo uu ku sii joogo xafiiska, taasina aysan aqbali doonin.

War murtiyeedka shirka mucaaradka Puntland ayaa lagu sheegay in  habka kaliya ee doorashadu ay ku dhici karto, in ay tahay habkii horey loogu gali jiray doorashada ee 66-da xildhibaan.

Mucaaradka ayaa  ku nuux-nuux saday in Madaxweyne Deni uu soo magacaabo guddiga soo xulista xubnaha baarlamaanka ee soo socda dhammaadka bisha November, iyaga oo uga digay inay howsha billaabi doonaan haddii ay dhici weydo magacaabista.

Xil-heynta   Madaxweyne Deni ayaa waxaa kaga dhiman wax ka yar 3 bilood, kaas oo adkeysanayo in ay ka go’an tahay in doorasho qof iyo cod ah la qabto 8-da Janaayo 2024.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed