Mucaaradka Puntland Oo Madaxweyne Deni Ku Eedeeyey Inuu Hurinayo Colaad Taasoo Salka Ku Heysa Khilaafka Doorashooyinka

Mucaaradka Puntland ayaa soo saaray war-saxaafadeed, iyagoo eedaymo culus u jeediyay madaxweyne Siciid Deni. Mucaaradka ayaa ku andacoonaya in Madaxweyne Deni uu si bareer ah u hurinaayo khilaaf cusub si uu u sii dheereeyo joogitaanka xafiiska. Sida warkooda lagu sheegay madaxweyne Deni ayaa kulan la qaatay saraakiisha ciidamada Puntland, isagoo faray inay difaacaan rabitaankiisa ku aaddan muddo kororsi, taasoo ay mucaaradku ka digayaan inay cawaaqib xumo ku keeni karto Puntland

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war-saxaafadeedkooda ku sheegay in ciidamada iyo taliyeyaashoodaba ay ugu baaqeen inay sharciga ilaaliyaan, iyagoo ku nuux-nuuxsaday inay ka go’an tahay inay ka hortagaan in Puntland ay gasho fowdo iyo burbur.

Dhinaca kale, Madaxweyne Deni ayaa maalin ka hor sheegay inuu u taagan yahay sidii shacabka ay u heli lahaayeen fursad ay ku codeeyaan doorashada soo socota. Ciidamada ayuu kula dar daarmay in ay ilaaliyaan hanaanka doorashada, waxa uuna carabka ku dhuftay in aysan jirin cid awood u leh in ay hor istaagto fulinta go’aanka guddiga doorashada ee muddeeyay doorashada 25-ka Febraayo 2024-ka.

Khilaafkan doorashada oo cirka isku sii shareeray ee u dhexeeya madaxweyne Deni iyo mucaaradka ayaa sii kordhiyey welwelka laga qabo xiisad siyaasadeed oo ka dhalan karta, iyadoo aan la arki karin dhexdhexaadiyaal, marka laga reebo Isimmiada maamulka Puntland oo maalmihii la soo dhaafay shir u socday balse war kama soo bixin.

Shirkan ka dhacay magaalada Garoowe ayaan weli wax war ah kasoo bixin arrintan. Kala qaybsanaanta ka dhex jirta saaxadda siyaasadda Puntland ayaa caqabad weyn ku ah xal u helidda khilaafka doorashada.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed