Mucaaradka Puntland oo ka hor yimid jadwalkii guddiga doorashooyinka maamulkaas eed kululna u jeediyay Madaxweyne Deni iyo guddiga

Dallada Mucaaradka Puntland ayaa ka hor yimid wax ay ku sheegeen muddo kororsiga uu guddiga doorashooyinka maamulkaas uu sameeyay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, sidoo kale waxay baaq u direen Isimmada Puntland.

Dallada mucaaradka Puntland ayaa sheegay in ay horay uga digeen damaca Madaxweyne Deni ee kua addan muddo kororsi sharci darro ah, kaas oo baalmarsan hishiiska siyaasadeed ee Puntland, iyaga oo ku baaqay in la qabto doorasho waqtigeda ku dhacdo hishiisna lagu yahay, sida ay ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Sidoo kale waxaa eed kulu u jeediyeen Guddiga Doorashooyinka oo ay ku eedeeyee in ay soo saareen jadwal doorasho oo aanan hishiis lagu aheyn, kaas oo baalmarsan dastuurka iyo hannaankii soo jireenka ahay ee doorashooyinkii hore, mucaaaradka aya xoosta ka xariiqay in jadwalka uu dhaaf-siisan-yahay muddo xilleedka hed’adaha dowladda, kaas oo ah muddo kororsi aanan dhammaad laheyn sida ay ku sheegeen bayaanka.

Tallaabadaan ayey ku sheegeen mid khatar ku ah xasiloonida Puntland, iyaga oo baaq u diray Isimmada shirku uga socdo magaalada Garowe oo ay u jeediyeen in laga arrinsado hubanti la’aanta amni iyo siyaasadeed ee ka jirto Puntland.

Si kastaba, xaaladda ayaa cakiran ka dib markii xalay guddiga doorashooyinka maamulkaas ay soo saareen jadwal kaga sii daray arrimaha ka taagan doorashooyinka, waxana laga war sugayaa hadalka ka soo bixi doono Isimmada maamulka oo shir maalin ka hor uga furmay magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed