Mucaaradka Puntland oo jeediyay hadalo culus oo ka dhan Saciid Cabdullaahi Deni kuna baaqay doorasho ded deg ah

Musharraxiinta doonaysa  xilka madaxweynaha maamulka Puntland ayaa maalmahaan ku sii jeeday magaalada Garowe ee caasimadda maamulkaas, iyada oo madaxweyne Deni uu muddo dhowr bilood ah uu ku maqan yahah bannaanka, sababo aanan la shaacin.

Musharraxiinta ayaa lagu wadaa in maalmaha soo aaddan ay kulan ku yeeshaan Garowe, kuwaas oo doonaya in ay  ku dhawaaqaan isbahaysi siyaasadeed oo ka dhan ah Saciid Cabdullaahi Deni, kaas oo xilka looga tuurayo.

Xubnaha mucaraadka ayaa ka dhawaajiyayin ay doonayaan in la qabto doorashadii baarlamaaniga ahayd ee hab qabaliga ah lagusoo xuli jiray xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaas, iyaga oo iska diiday doorashada uu doonayo madaxweyne Deni oo qof iyo codka ah, taas oo ah khilaafka ugu weyn ee ka taagan maamulka Puntland kuna saabsan arrimaha doorashooyinka.

Xubnaha maanta ka soo muuqday warbaahinta ee sida kulul uga hadlay arrimaha doorashooyinka waxaa kamid ah, wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, kaasoo maanta meel fagaare ah ka sheegay in madaxweyne Deni uu ku fashilmay doorashadii nidaamka axsaabta badan.

Si kastaba, mucaaradka  ayaa sheegay natiijada ka dhalata arrimaha cakiran doorashooyinka wax laga weyiin doono Saciid Cabdullahi Deni haddii uusan qaban doorasho loo dhan yahay hishiisna lagu yahay, sidoo kale waxaa ay hoostaka xariiqeen in in si deg deg ah uu ugu dhawaaqo doorashada.

Xil-heynta madaxweyne Deni ayaa wax kaga hartay muddo seddex bil ah, bilaawga sannadka soo aaddan bisha Janaayo ee 2024 ayaa diiwaanku yahay in la qabto doorashada maamulkaas.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed