Mucaaradka Koonfur galbeed oo kulan xasaasi ah la qaatay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Kulan xasaasi ah oo maanta ka dhacay Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa waxaa ku kulmay xubnaha dhaqdhaqaaqa cusub ee mucaaradka Maamu Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Danjiraha Washitingto, waxaana la isku soo qaaday sida warku loo dhigay in looga hadlay arimaha doorashooyinka Dalka.

Xubnaha kulankan ka qayb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Soomaaliyaa Maxamed Mursal iyo madaxweynihii hore ee Koonfur galbeed Shariif Xasan Aadan.

War lagu daabacay bogga rasmiga ah ee Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in safiir Richard Riley uu kulan gaar ah la qaatay xubnaha mucaaradka ee Koonfur Galbeed, waxaana uu kala hadlay doorashada Soomaaliya, iyada oo laga shaqeynayo dimoqraadiyad caafimaad qabta.

“La shaqaynta madaxda mucaaradka ayaa muhiim u ah dimoqraadiyad caafimaad qabta. Aragtiyo kala duwan waa in la maqlo lana ixtiraamaa. Danjire Riley ayaa la kulmay madaxda mucaaradka Koonfur Galbeed oo uu kala hadlay doorashada Soomaaliya” ayaa lagu yiri bayaankooda.

Sida oo kale kulankan ayaa ku soo aadaya todobaad ka dib safarkii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre uu Baydhabo ku tagay si xal looga gaaro Khilaafka maamulka iyo dowladda dhexe soo kala dhexgalay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed