Wasaaradda Amniga maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa caawa soo saartay digniin cusub oo la xariirta in si dhab ah loo qaato khatarta haraaga ee waxyaabaha sababa qaraxyada iyo hubka ee ka haray dagaalladii ka dhacay deegaanka sanadadii ugu dambeeyey.
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda ayaa lagu sheegtay in dhacdooyin soo noqnoqday ay muujinayaan in khatarta haraadiga hubku ay weli jirto, iyadoo si gaar ah waalidiinta loogu baaqay inay carruurtooda ku wacyigeliyaan in aysan taaban ama u dhowaan waxyaabaha ay ka shakiyaan.
Digniintan ayaa timid kadib markii maanta deegaanka Maraaga ee bariga Laascaanood uu ilmo 13 jir ah waxyeello ka soo gaartay haraadi la sheegay inuu ka haray hub loo adeegsaday dagaal.
“Waxaan aad uga xunnahay kiiska maanta ka dhacay deegaanka Maraaga, bariga Laascaanood, kaas oo ilmo 13 jir ah uu ku dhaawacmay haraadigii hubka dagaalka” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda.
Sidoo kale, Wasaaradda Amniga Waqooyi Bari ayaa bulshada ugu baaqday inay si degdeg ah uga fogaadaan goob kasta oo lagu arko shay laga shakiyo, isla markaana ay carruurta iyo dadka kale ka fogeeyaan. Dadka ayaa lagu boorriyey inay dhacdooyinka noocan ah si degdeg ah ugu soo wargeliyaan hay’adaha ay khuseyso, gaar ahaan SEMA iyo Xafiiskeeda Waqooyi Bari ee Wasaaradda Amniga.
Mas’uuliyiinta ayaa xusay in wacyigelinta bulshada iyo feejignaantu ay muhiim u yihiin ka hortagga waxyeellada ka dhalan karta haraadiga hubka ee weli ku sugan deegaanadii ay dagaalladu ka dhaceen.
HBN ONLINE TV

