2 Madaxweyne Cirro “Dowladda Soomaaliya waxa ay u adeegsanaysaa maqaamkeeda sharci—hub lagu cadaadiyo Somaliland”

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa khudbad ka jeediyey Mac-hadka Hudson Institute ee magaalada Washington, D.C., isagoo ka hadlay xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka Somaliland iyo Soomaaliya iyo doorka Somaliland ay sheegtay inay ka qaadan karto amniga gobolka.

Cirro oo ka hadlay cabadaha aqoonsi la’aanta ay Somaliland dhexda uga jirto ayaa ku eedeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) inay u adeegsanayso maqaamkeeda sharci ee ay ka haysato beesha caalamka go’doomin lagu wiiqayo Hargeysa. Waxa uu sheegay in arrintaasi ay sababtay xaalad uu ku tilmaamay cunaqabateyn aan rasmi ahayn oo saamayn ku yeelatay shacabka Somaliland, gaar ahaan helitaanka hay’adaha maaliyadeed iyo suuqyada caalamiga ah.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay u adeegsanaysaa maqaamkeeda sharci ee beesha Caalamku ay siisay—si ay Somaliland u go’doomiso oo ay awooddeeda u wiiqdo, natiikadu waxay noqotay xaalad u eg cunaqabateyn aan rasmi aheyn oo saaran shacabka Somaliland—xaalad ka hor istaageysa Muwaadiniinta Somaliland inay helaan Hay’addah maaliyadeed ee caalamiga ah, Suuqyada caalamiga ah iyo xitaa xaquuqda aas aasiga ah” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Wuxuuu isaga oo hadalkiisa wata markale yiri “Soomaaliya kuma eko oo kaliya inay ku fashilantay inay si buuxda isu maamusho waxaa sidoo kale ay u adeegsatay madaxbanaanideeda hub lagu cadaadiyo Somaliland”.

Sidoo kale, Cirro ayaa dhaliilay siyaasadda Maraykanka ee Soomaaliya, kadib markii uu ku dooday in Washington tan iyo 2013-kii ay taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo ciidan siisay DFS, iyadoo ujeeddadu ahayd dhismaha dowlad dhexe, la dagaallanka Alshabaab iyo xoojinta xasilloonida gobolka, balse aanay taasi keenin natiijadii laga filayey.

“Sanad walba sanadka ka dambeeya Maraykanka iyo saaxiibadiisu waxay ku bixiyeen mashruucaasi dhaqaale badan, dadaal Diblomaasiyadeed & awood ciidan—Maanta xitaa qaar kamid ah dadkii sida weyn u taageersanaa qorshahaasi waxaa ay lumiyeen kalsoonidii ay ku qabeen. Dowladaa Soomaaliya xiligaani waxay la tacaalaysaa sharciyad yari waxaana ay ku adag tahay inay awoodeeda ka hirgaliso meel ka baxsan Muqdisho, weli waxay il xasilooni darro oo ka jirta gobolka nugul ee Geeska Afrika” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay in awoodda iyo sharciyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si weyn ugu koobnaayeen Muqdisho, isaga oo ku eedeeyey inay madaxbannaanideeda u adeegsanayso cadaadis siyaasadeed oo ka dhan ah Somaliland. Waxa uu sidoo kale ku tilmaamay Soomaaliya mid ka mid ah caqabadaha hortaagan xasilloonida Geeska Afrika, isaga oo xusay in khilaafka labada dhinac uu weli yahay arrin siyaasadeed oo muddo dheer soo jiitamaysay.

Dhanka kale, Cirro ayaa ka hadlay taariikhda Somaliland iyo doodda ku saabsan madax-bannaanideeda, isagoo sheegay in Somaliland aysan doonayn inay beddesho xuduudihii uu gumaysigu ka tagay, balse ay doonayso inay dib ula soo noqoto xuduudihii ay horey u lahayd. Waxa uu ku dooday in arrinta Somaliland aysan ku koobnayn gooni-goosasho, balse ay salka ku hayso taariikhda dhulka, burburkii midowgii Soomaaliya iyo dib-u-soo-celinta wuxuu ku tilmaamay “dawladnimada Somaliland”.

Cirro ayaa ugu dambayn sheegay in Somaliland in ka badan 30 sano ay dhisaysay hay’ado dowladeed iyo nidaam siyaasadeed oo shaqaynaya, isagoo xusay doorashooyin iyo isbeddello xukun oo nabad ah. Waxa uu sidoo kale tilmaamay in Somaliland muddo dheer ilaalinaysay amnigeeda, isla markaana ciidamada Somaliland ay door ka qaateen ilaalinta xeebaha iyo amniga guud ee dhulka ay maamusho.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed