Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya ayaa shaaciyey goobaha ay ka dhici doonto codbixinta doorashada Hirshabeelle, isaga oo sheegay in tallaabadan ay qeyb ka tahay fulinta jadwalkii doorashada ee uu soo saaray 31-kii bishii hore eeAgoosto.
War saxaafadeed ka soo baxay Guddiga ayuu ku sheegay Gobolka Hiiraan laga ka asteeyey 7 degmo oo kala ah Beledweyne, Buula Burde, Far-libaax, Gerijir, Jalalaqsi, Jawiil iyo Matabaan, halka Shabeellaha Dhexe laga qabanayo 6 degmo oo kala ah Balcad, Cadale, Jowhar, Mahadaay, Raage-Ceelle iyo Warsheekh.
Shaacinta goobaha codbixinta ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Hirshabeelle ka jiraan dooddo iyo khilaafaad siyaasadeed oo la xiriira hannaanka doorashada iyo sida loo maamulayo geeddi-socodka doorashooyinka.
Guddiga ayaa caddeeyey in uu sii wadi doono howlaha doorashada iyo diyaarinta xarumaha codbixinta, iyadoo tallaabooyinka xiga lagu saleyn doono jadwalka iyo qorshaha doorashada ee uu horey u soo saaray.
Dhanka kale Madaxweyne ku-xigeenka maamulka, Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa si cad uga horyimid in doorashada lagu qabanayo labada gobol, isaga oo sheegay in marka hore loo baahan yahay heshiis siyaasadeed. Dabageed ayaa dowladda federaalka ku eedeeyey inay kaga baxday sida uu ku dooday ballan la xiriirtay saami-qeybsiga xilka madaxweynaha Hirshabeelle, gaar ahaan xaqa uu sheegay inuu leeyahay gobolka uu matalo ee Hiiraan.
Khilaafka ayaa sii xoogeysatay kaddib markii Madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen la siiyey kaarka xisbiga JSP, taas oo ay ka caroodeen siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Hiiraan. Siyaasiyiintaasi ayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wada Muqdisho iyo Beledweyne, iyadoo ay soo baxayaan walaacyo ku saabsan in khilaafka Hirshabeelle uu saameyn ku yeesho doorashada iyo amniga labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
HBN ONLINE TV

