Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Dalalka ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa maalinta berri ku kulmaya caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti iyaga oo kawada hadlaya xaaladaha Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo dhacdooyinka ku soo kordhay qaaradda, si gaar ah Geeska Afrika.
Meelaha diiradda laga saarayo waxaa ku jira Arrimaha Soomaaliya oo diiradda lagu saari doono garab istaagga Dowladda Federaalka, la dagaalanka Alshabaab, Mustaqbalka Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo Siyaasadda sida ay ku warrameen ilo ku dhow kulankaan.
Dalalka isugu imaan doona shirkan ayaa kala ah, Soomaaliya, Jabuuti, Suudaan, Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Suudaanta Koonfureed, iyada oo aanu lagu xusin Eritrea in shirka ka qeyb-gali doonto.
Sidoo kale, waxaa galinkii dambe ee maanta dalka Jabuuti ka degay wafdiga Soomaaliya oo uu hoggaaminayo wasiirka Arrimaha dibadda Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay.
“Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Cabdisalam Cali, ayaa hoggaamin doona wafdiga Dowladda Soomaaliya ee ka qeybgalaya Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada IGAD ee aan caadiga ahayn, kaas oo berri ka furmaya magaalada Jabuuti” ayaa lagu yiri warka DFS.
Xubnaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee IGAD ayaa ah kuwa ugu muhiimsan ee dejiya siyaasadda iyada oo ugu dambayn loo gudbin doonno Madaxda Dalalka ku midaysan ururkaan, sidaasina lagu soo saarayo warmurtiyeedka kulamadaas dhacay.
Dalka Uganda ayaa dhowaan ku dhawaaqay go’aan ku saabsan in sannadka 2027 uu ciidamadiisa ka saari doonno Soomaaliya, waxaana jira warar kale oo sheegaya in ay jiraan Dowlado ciidamadooda dalka kala baxaya, laakiin aan si rasmi ah ugu dhawaaqin.

