Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Devin Kennington u magacaabay safiirka cusub ee Mareykanka u fadhiya Soomaaliya. Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa loo gudbiyey, isaga oo xilka si rasmi ah u bilaabi doonaa marka la soo ansixiyo.
Kennington waa diblomaasi khibrad u leh si la sheegay arrimaha Afrika, gaar ahaan Bariga iyo Bartamaha Afrika. Wuxuu hore uga soo shaqeeyay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka iyo Safaaradda Mareykanka ee Jabuuti, halka uu khibrad u leeyahay arrimaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Magacaabistan ayaa timid kadib markii Richard H. Riley laga qaaday xilka safiirka Soomaaliya, iyadoo muddo ku dhow 8 bilood safaaradda uu hoggaaminayay Justin Davis oo ahaa sii-hayaha xilka. Hadda Ruth Anne Stevens-Klitz ayaa ah diblomaasiga ugu sarreeya ee Mareykanka ee Soomaaliya inta laga sugayo ansixinta Kennington.
Xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa si weyn ugu salaysan iskaashiga amniga, la-dagaallanka Alshabaab iyo Daacish. Mareykanka ayaa taageera ciidamada Soomaaliya, halka AFRICOM ay fuliso howlgallo ka dhan ah kooxaha hubeysan. Haddii Senate-ku ansixiyo, Kennington wuxuu hoggaamin doonaa safaaradda xilli labada dal ay sii xoojinayaan iskaashiga amniga iyo xiriirka diblomaasiyadeed.

