Midowga Yurub si ku meel gaar ah u hakiyay gargaarka ah uu siin jiray Soomaaliya

Madaxa fulinta Midowga Yurub ayaa si ku meel gaar ah u hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP ee Soomaaliya, sida ay Reuters u sheegeen laba sarkaal oo sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Baaritaan ay sameysay Qaramada Midoobay ayaa lagu ogaaday xatooyo baahsan lagu sameeyay iyo  isticmaalka gargaarka loogu talagalay in looga hortago macluusha gudaha Soomaaliya, kadib amrkii la leexsaday.

Guddiga Midowga Yurub ayaa in ka badan 7 milyan oo doollar si gargaar ah u siin jiray howlgallada WFP ee Soomaaliya sannadkii hore, taasoo qeyb ka ah in ka badan 1 bilyan oo dollar oo ay heshay, sida lagu sheegay xogta Qaramada Midoobay.

Wadamada xubnaha ka ah Midowga Yurub waxay bixiyeen lacag badan oo ku salaysan laba dhinac. Wali ma cadda in sidoo kale ay jiri doonto hakinta gargaaro  kale oo la siiyo Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, QM waxaa ay tiri ” waxaan sii wadi doonnaa la socodka xaaladda, waxaanan u hoggaansami doonnaa habkeena aan loo dulqaadan karin ee ku aaddan musuqmaasuqa, ama wax-is-daba-marinta”.

Sarkaal sare oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa sheegay in go’aankan la qaatay kadib markii baaritaan ay Qaramada Midoobay samaysay lagu soo gabagabeeyay in mulkiilayaasha dhulka, maamulada deegaanka, xubno ka tirsan ciidamada ammaanka iyo shaqaalaha gargaarka ay ku lug lahaayeen xatooya xooggan.

Sarkaalkan oo diiday in magaciisa la xigto ayaa sheegay in gargaarka dib loo soo celin doono marka ay WFP buuxiso shuruudo dheeraad ah, sida in la kala saaro hay’adaha la shaqeeya Soomaaliya. Sarkaalka labaad oo sare ee Midowga Yurub ayaa arrintan xaqiijiyay.

Warbixinta 7-dii Luulyo, ee lagu sunta waxaa wakiishay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, sida lagu sheegay nuqul ay dib u eegtay Reuters.

Xogtan waxaa markii ugu horreysay daabacday Isniintii Devex, oo ah xarun warbaahineed oo diiradda saareysa horumarinta caalamiga ah.

Waxay soo xigatay barakacayaasha (IDPs) inay sheegeen in lagu qasbay inay bixiyaan ilaa kala bar kaalmada lacageed ee ay ka helaan dadka xilalka haya iyadoo ay wajahayaan hanjabaado ah in laga saarayo, ama laga saarayo diiwaan-gelinta liiska ka-faa’iideystayaasha barnaamijka.

Saddex bilood ka hor WFP iyo Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID) waxay hakiyeen cuntadii gargaar ee ay siin jireen dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya si ay uga jawaabaan deeqaha baahsan ee la leexsado.

Guddiga Midowga Yurub ayaa Soomaaliya iyo Itoobiya ugu deeqa 10 milyan oo Yuuro oo u dhiganta 10.69 Milyan oo Doollar, iyadoo la sii marinayo hay’adda WFP, iyadoo hakintan ay qayb ka tahay arrimahaas, sida uu sheegay mid ka mid ah saraakiisha sare ee Midowga Yurub.

Miisaaniyadda gargaarka ayaa culeys ku ah caalamka, maadaama 36% kaliya la maalgeliyey 2.6 bilyan oo dollar oo Qaramada Midoobay ay sheegtay in sanadkan loo baahan yahay si wax looga qabto xaaladaha bani’aadanimo ee Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed