Midowga Yurub oo war ka soo saaray hishiiska muranka dhaliyay ee Itoobiya ay la saxiixatay Somaliland

Midowga Yurub ayaa ku booriyay madax-banaanida Soomaaliya in la ixtiraamo  ka dib markii Itoobiya ay heshiis muran badan dhalisay la saxeexatay Somaliland, isla markaana dowladda Soomaaliya ay baaq caalami ka bixisay tallaabadaas.

Heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Isniintii kala saxeexdeen Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa Itoobiya loogu oggolaaday inay hesho dekedda Berbera ee ku taalla Badda Cas iyo Saldhig Milateri oo ay kireysteen.

War-saxaafadeedka Midowga Yurub ayaa lagu sheegay inay jecel yihiin inay xasuusiyaan muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si waafaqsan dastuurkeeda, Axdiga Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

“Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan,” ayay afhayeen u hadashay Midowga Yurub ku sheegtay war-saxaafadeed.

Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka Somaliya, ayaa si adag uga horyimid heshiiskaasi, iyagoo sheegay inuu halis ku yahay xasiloonida Gobolka.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay shir deg deg ah labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ku yeesheen magaalada Muqdisho  shalay, ayaa ku tilmaamay heshiiska Itoobiya iyo Somaliland mid aan waxba ka jirin, isagoo sheegay inuu ka hor imanayo shuruucda caalamiga ah. Waxaa uu carabka ku dhuftay in aysan jirin cid heshiis ka saxiixi karta Soomaaliya. Soomaaliya waxaa leh dadka Soomaaliyeed.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Itoobiya inay joojiso faragelinta ay ku heyso Soomaaliya, taasoo keentay in Muqdisho ay u yeerato safiirkeeda u fadhiya Itoobiya si ay ugala hadasho arrintan, maadaama uu ka walaacsan yahay in heshiiskaas uu halis ku yahay xasiloonida gobolka.

Waxa kale oo heshiiskaas ka mid ahaa in Somaliland loo aqoonsado qaran madax-bannaan wakhtigeeda. Sidoo kale Somaliland waxa ay saami ku yeelan doontaa diyaaradda Ethiopian Airlines ee ay dawladdu leedahay.

Somaliland ma helin aqoonsi baahsan oo caalami ah inkastoo ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya 1991. Soomaaliya waxay ku andacoonaysaa in Somaliland ay ka tirsan tahay dhulkeeda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed