Midowga Yurub oo war cusub ka soo saaray colaada Laascaanood

Midowga Yurub ayaa mar kale hadal ka soo saaray colaada ka aloosan magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, halkaasi oo ciidamada Somaliland & xoogagga deegaanka ay ku dagaalamayaan toddobaayadii la soo dhaafay.

Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika, Annette Weber oo hadal ka jeedisay fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay in iyadoo beesha caalamka yoolkeedu uu yaahy la dagaalanka Al Shabaab haddana ay soo korortay colaada Laascaanood, halkaasi oo boqolaal qof ay ku dhinteen kumanyaal kalana ay ku barakaceen.

Annette Weber ayaa baaq ku aadan dagaalka Laascaanood oo ay ka jeedisay kulanka waxay ku tiri;

“Waxaan ku boorrinayaa dhinacyada xabbad-joojin ayna galaan wada-xaajood iyo xal waara ayna ka shaqeeyaan isla markaana fudadeeyaan gargaarka  bani’aadamnimo”

Ergeyga Midowga Yurub ee Geeska Afrika waxay sheegtay in colaadan ay calaamad u tahay saluug la’aanta beelaha qaarkood iyo xal la’aanta siyaasadeed ee maqaamka Somaliland ee xalka muddada dheer.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed