Midowga Yurub oo Soomaaliya ugu deeqay lacago deg deg ah oo loogu talagalay fatahaadaha qaar kamid ah gobolada dalka

Iyada oo laga jawaabayo daadadka ba’an ee saameeyay Soomaaliya, Itoobiya, iyo Kenya, Midowga Yurub waxa uu abaabulay gargaar bini’aadantinimo oo dheeri ah, oo dhan 3.5 milyan oo Yuuro. Lacagtan ayaa 2 milyan oo Yuuro oo ka mid ah loogu talagalay in gargaar deg deg ah lala gaaro dadka ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadda, gaar ahaan  ee Soomaaliya.

Maalgelintan dheeriga ah waxay daba socotaa qoondo ka badan €5.5 milyan oo loogu talagalay gargaarka bini’aadantinimo ee lagu beegsanayo kuwa ay sida aadka ah u saameeyeen fatahaadaha El Niño iyo barakaca ka dhashay ee colaadaha. Hawlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu bilaabmo bisha December, isagoo ka faa’iideysanaya helikobtero si ay u gaaraan goobaha adag iyo gaarsiinta gargaarka bini’aadanimo ee muhiimka ah bulshooyinka go’doonsan.

Wararkii ugu dambeeyay ee ka soo baxay dowladda Soomaaliya ee ku saabsan fatahaadaha ayaa muujinaya tirooyin aad u badan, iyadoo 2.5 milyan oo qof ay saameeyeen, 1.1 milyan oo qof ay ku barakaceen, 101 dhaawac ah, 4,000 oo xoolo ah ay ku dhinteen, 140,000 oo gurina ay ku burbureen. Gargaarka dheeriga ah ee ka imaanaya Midowga Yurub ayaa hoosta ka xariiqaya dadaallada wadajirka ah ee wax looga qabanayo baahiyaha degdegga ah ee dadka ay dhibaatadu saameysey iyo in la yareeyo cawaaqib xumada ka dhalan karta fatahaadaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed