Midowga Yurub oo ku dhawaad ​​100 milyan oo dollar ku taageeray Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya uu siinayo 94.69 Milyan oo Doollar, waxaana 21.16 Milyan oo ka mid ah loogu talagalay in lagu taageero Miisaaniyadda Dowladda.

“Midowga Yurub wuxuu Soomaaliya la leeyahay iskaashi xooggan, wuxuuna dalka ka taageeraa dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin dadaallada dib u dhiska ee dowladda,” ayay tiri Jutta Urpilainen, madaxa Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Abshir Cumar Jaamac, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub taageeradan, isagoo sheegay in tani ay xoojineyso wadashaqeynta.

Wuxuu intaas ku daray in kaalmadan lacageed ay horumarisay dhaqaalaha Soomaaliya iyo dadaallada dib u dhiska dalka ka dib soddon sano oo colaado ah, kuwaasoo galaafatay nolosha kumannaan qof.

Xirmada maaliyadeed ee uu ku dhawaaqay Midowga Yurub ayaa timid kadib markii Golaha Wasiirada Soomaaliya ay ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2024-ka.

Miisaaniyada dowladda ayaa sanadkan gaartay hal bilyan oo dollar kadib markii ay dib u habeyn ku sameysay dhaqaalaha iyadoo laga cafinayo deymaha. Dawladdu waxay sheegtay in dakhliga gudaha uu kordhay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed