Midowga Yurub oo hub & lacag hor siinaya Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay qorshe uu hub ku siinayo Soomaaliya, xilli dawlada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqday bilowga wajiga labaad ee hawlgalka ka dhanka Al Shabaab.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibdda Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in ururka uu hub u diri doono dalal ka baxsan Ukraine kuwaasi oo aad u daneynaya taageero hub, dalalkaasi oo kala ah Soomaaliya iyo Niger.

Hadal uu ka jeediyay Madasha Amniga iyo Difaaca ee Schuman ee magaalada Brussels, ayaa  Josep Borrell wuxuu carabka ku adkeeyay in tahay jawaabta ku aadan isbeddelka uu keenay dagaalka Ukraine ee la xiriira amniga iyo difaaca Yurub.

“Dalalka aan saaxiibada nahay, sida Soomaaliya oo kale waxay doonayaan taageerada hub halis ah. Sidaas oo kale ayaan u sameynay Ukraine, waana u sameyn karnaa kuwa kale,” ayuu yiri Josep Borrell.

Dhanka kale ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber oo hadal ka jeedisay fadhi gaar ah oo Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ka yeeshay arrimaha Soomaaliya ayaa waxay ammaantay guulaha dadka Soomaaliyeed ka gaareen dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Mrs Weber ayaa sidoo kale amaantay hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS kaalintooda ku aadan amniga Soomaaliya, waxaana ay sheegtay in Midowga Yurub uu kordhinayo deeqda lacageed ee uu siinayo ciidamada Soomaaliya taasi oo ay haatan laga dhigay 25 milyan oo Euro halka 16 milyan oo kale lagu bixin doono hawlaha xasilinta dalka.

HBN News Desk

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed