Ururka Midowga Afrika ayaa sheegay in mustaqbalka howlgalka Taageerada iyo Xasilinta ee Soomaaliya (AUSSOM) uu wajahayo caqabado waaweyn, haddii aan si degdeg ah loo helin taageero dhaqaale iyo mid saadka ah oo caalami ah. Hadalkan ayaa imanaya kaddib markii Mareykanku uu shaaciyay inuu joojiyay qayb ka mid ah kaalmadii uu siin jiray howlgalka.
Midowga Afrika ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan sii socoshada howlgalka AUSSOM, kaas oo beddelay ATMIS, isla markaana salka ku haya howlgalladii Midowga Afrika ee Soomaaliya ee soo billowday sannadkii 2007-dii. Ururka ayaa sheegay in howlgalka uu u baahan yahay maalgelin degdeg ah si uu u sii wato waajibaadkiisa amni iyo taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliya.
“Guddigu wuxuu doonayaa inuu ku wargeliyo Safaaradaha iyo Ergooyinka Joogtada ah in 1-dii Luulyo 2026, Ergada Mareykanka u joogta Midowga Afrika ay soo gudbisay Qoraal Rasmi ah, lambarkiisuna yahay 118-26, kaas oo lagu sheegay in Dowladda Mareykanku aysan taageeri doonin sii wadista Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) wixii ka dambeeya muddada oggolaanshaha howlgalka AUSSOM, oo ku eg 31-ka Diseembar 2026” ayaa lagu yiri warka Midowga Afrika.
Sida uu sheegay Midowga Afrika, howlgalka AUSSOM wuxuu si weyn ugu tiirsan yahay taageerada dhaqaale, saadka, shidaalka iyo qalabka militari iyo booliis, kuwaas oo muhiim u ah fulinta howlaha amniga. Waxa uu xusay in dalalka ciidamada ku leh howlgalka aysan awood u lahayn inay si iskood ah u daboolaan kharashaadkaas.
Dhinaca kale, Midowga Afrika ayaa tilmaamay in awoodda howlgalka ay hoos u sii dhacaysay sanadihii la soo dhaafay, kaddib markii la dhimay tirada ciidamada.
Waxa uu xusay in deegaanno badan ay hadda amnigooda sugayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, balse uu weli jirto baahi loo qabo taageero caalami ah si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo la dagaallanka Alshabaab.
HBN ONLINE TV

