Maamulka Hirshabeelle ayaa maanta sheegay in si ku-meel-gaar ah u hakiyey dhammaan duulimaadyadii ka degi jiray──kana bixi jiray Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kaddib walaac lagu qeexay mid amni oo ka jira gobolka.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Duulista Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in go’aankan uu la xiriiro ilaalinta badqabka rakaabka, shaqaalaha iyo howl-wadeennada garoonka, iyadoo tallaabadan ay timid kadib iska horimaad 19-kii Nofeembar 2026 ka dhacay garoonka, kaas oo u dhexeeyey ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo xoogagga Macawisleyda deegaanka.
Wasiir Duulista Hirshabeelle Faarax Maxamed Cusmaan oo ku saxiixnaa warqadan ayaa sheegay in si ku-meel-gaar ah loo hakiyey duulimaadyada, inta laga xaqiijinayo xaaladda amni ee guud ahaan aagga garoonka, uuna go’aankan sii socon doona inta la sugayo warbixin rasmi ah oo ka timaadda laamaha amniga ee garoonka.
“Tallaabadan waxaa loo qaaday si taxaddar leh, iyadoo mudnaanta koowaad la siinayo badbaadada rakaabka diyaaradaha iyo dhammaan howl-wadeennada garoonka,” ayaa lagu yiri bayaanka wasaaradda.
Sidoo kale, wasaaraddu waxay intaas ku dartay in duulimaadyada dib loo bilaabi doono marka la helo xaqiijin rasmi ah oo muujinaysa in xaaladda amni ay sugan tahay, isla markaana aysan jirin khatar saameyn karta badqabka duulimaadyada. Waxay sidoo kale rakaabka, shirkadaha diyaaradaha iyo dhinacyada ay khuseyso ka codsatay inay dulqaataan inta xal laga gaarayo xaaladda taagan.
Dhanka kale, warqad ka soo baxday Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa lagu sheegay inay fulisay go’aanka maamulka, isla markaana si rasmi ah loo xiray garoonka Ugaas Khaliif. Hase yeeshee, Ilaa hadda lama shaacin muddada uu xirnaan doono garoonka iyo waqtiga rasmiga ah ee dib loo bilaabi doono duulimaadyada.
Hbn Online Tv

