Soomaalida Maraykanka oo si weyn uga carootay muwaadin Soomaaliyeed oo dhaawac culus loogu geystay isir naceyb 

Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Maraykanka ayaa si weyn uga carootay weerar loo geystay Maxamed Yuusuf, oo ah darawal Uber ah, kaddib markii rakaab saarnaa gaarigiisa uu dhaawac culus u geystay.

Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Hopkins ee gobolka Minnesota, halkaas oo boolisku ay Maxamed ka heleen isaga oo dhaawac culus qaba, kuna jira god wado dhinaciisa ah. Qoyskiisa ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu garaacay, kadibna dhowr jeer dul mariyey gaarigiisa.

Ehelada Maxamed ayaa sheegay in rakaabku ka hor weerarka uu magaciisa waydiiyey Maxamed, kadibna uu ku yiri: “Ma jecli magacaas.” Waxay dhacdada ku tilmaameen weerar naceyb ku saleysan.

Maxamed ayaa hadda kooma ku jira, waxaana lagu dabiibayaa Isbitaalka Hennepin County.

Goor sii horeysay oo galabta ah, Soomaalida magaalada oo ay wehliyaan dadka deegaanka iyo Gudodomiyaha Minneapolis Jacob Frey ayaa gaaray Isbitaalka uu yaalo Maxamed, waxayna sheegeen in beegsiga iyo naceybka Soomaalida  uu saameyn ku yeeshay bulshada. Hay’addaha ammaanka ayey ka dalbadeen in wax laga qabto dhibaatada ku saleysay cunsuriyadda, si gaar ah midda dadka Soomaalida ah lagu beegsanayo.

Booliska ayaa xiray nin looga shakisan yahay weerarka, halka qoyskiisu ay bilaabeen olole taageero ee bulshada deegaanka.

“Hay’adaha kala duwan, shirkadaha waaweyn iyo shakhsiyaadka dano siyaasadeed wata, dhammaantood waa in lagula xisaabtamaa falalkooda iyo masuuliyaddooda. Nacaybku kama xoog badnaan karo bani’aadannimadeenna. Cabsiduna kama xoog badnaan karto midnimadeenna. Waa in isla xisaabtanka iyo caddaaladdu noqdaan kuwa codkoodu ka sarreeyo wax kasta” ayuu yiri mid kamid ah masuuliyiinta Somaalida oo hadlay.

Bishii hore ee Octobar, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbad olole siyaasadeed oo uu ka jeediyay magaalada Dalton ee gobolka Georgia si jeesjees ah u soo hadal qaaday magaca Maxamed oo aad ugu badan bulshada Muslimiinta, isaga oo sheegay in qofka magaciisa laga shakiyo ee ka soo jeeda Bariga Dhexe si fudud loogu yeeri karo “Maxamed”, maadaama ay jirto fursad weyn oo uu magacaasi ku saxnaan karo.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed