Maxaa ka soo baxay kulankii Madaxweynayaasha Soomaaliya & Uganda ay yeesheen?

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin qaadatay ku tagay dalka Uganda, kadib casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, Yoweri Kaguta Museveni, iyadoo booqashadu ay ujeeddadeedu ahayd xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed, iskaashiga amniga iyo horumarinta danaha dhaqaale ee labada dal.

Labada Madaxweyne ayaa magaalada Entebbe ku yeeshay kulan sare oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed iyo amni ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo ballaarinta iskaashiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Kulanka kadib, Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Uganda ayaa si wadajir ah u soo saaray war-murtiyeed ka kooban 18 qodob, kaas oo lagu faahfaahiyay arrimihii laga wada hadlay iyo ballanqaadyada labada dowladood. War-murtiyeedka ayaa si weyn diiradda u saaray xaaladda amniga Soomaaliya, iyadoo labada Madaxweyne ay ku baaqeen in la kordhiyo hawlgallada militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay iskaashiga u dhexeeya Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM, si loo xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasilloonida dalka. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ku baaqay in howlgalka AUSSOM loo helo maalgelin ku filan, la saadaalin karo oo joogto ah, si loo sii ambaqaado guulaha amni ee laga gaaray Soomaaliya.

Waxay soo jeediyeen in la aqoonsado ilo dhaqaale oo kale oo lagu taageeri karo hawlgallada amniga, isla markaana la xoojiyo iskaashiga istaraatiijiyadeed iyo dhaqaale ee ciidamada labada dal.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa bogaadiyay kaalinta ciidamada Uganda, kuwa Soomaaliya iyo dalalka kale ee ciidamada ku biiriyay howlgalka Midowga Afrika, iyagoo xusay naf-hurnimada askartii ku dhimatay ama ku dhaawacantay dagaalka ka dhanka ah argagixisada.

Qodob kale oo muhiim ah oo war-murtiyeedka lagu soo qaaday ayaa ahaa xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada. Labada Madaxweyne ayaa ku baaqay in Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso ay xoojiyaan wada shaqaynta, dib-u-heshiisiinta, dowlad-wanaagga iyo dadaallada nabad-dhisidda.

Waxay tilmaameen muhiimadda ay arrimahani u leeyihiin xaqiijinta amniga, xasilloonida siyaasadeed iyo horumarka dhaqaale ee Soomaaliya.

Dhanka dhaqaalaha, labada Madaxweyne ayaa soo dhaweeyay natiijooyinkii ka soo baxay shirkii dib-u-eegista Guddiga Joogtada ah ee Wadajirka Soomaaliya iyo Uganda, madashii ganacsiga iyo bandhiggii wadajirka ahaa ee lagu qabtay Muqdisho intii u dhexeysay 20–22 October 2026.

Waxay sidoo kale soo dhaweeyeen heshiiska iskaashiga shaqaalaha iyo qodobbadii lagu heshiiyay ee la xiriiray adeegyada duulimaadyada labada dal.

War-murtiyeedka ayaa xusay qorshe Uganda ay bakhaar (aag) ganacsi uga samaysanayso magaalada Muqdisho, kaas oo loogu talagalay badeecadaha Uganda, iyo in la tixgeliyo fududeynta adeegyada dekedaha si kor loogu qaado ganacsiga iyo maalgashiga labada dal.
Labada dhinac ayaa sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka, iyagoo adeegsanaya ururrada Dalladda Bariga Afrika , IGAD, COMESA iyo Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxweyne Museveni ayaa beesha caalamka ugu baaqay inay sii wadaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha hay’adaha dowladda, tayeynta ciidamada amniga, gargaarka bani’aadannimada iyo dadaallada wax looga qabanayo isbeddelka cimilada.

Waxay sidoo kale bogaadiyeen taageerada Xafiiska Qaramada Midoobay ee Taageerada Soomaaliya (UNSOS), kaas oo bixiya taageero dhinacyada saadka, hawlgallada iyo howlaha goobta ee dadaallada xasillinta iyo amniga Soomaaliya. Intii uu socday kulanka, Madaxweyne Museveni ayaa bogaadiyay dadaallada Dowladda Soomaaliya ku aaddan nabadeynta iyo xasillinta dalka.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga mahadceliyay Uganda kaalinta ay tan iyo 2007 ka qaadanaysay dadaallada nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale dhiggiisa Uganda ku casuumay inuu booqasho rasmi ah ku yimaado Soomaaliya, casuumaaddaas oo Madaxweyne Museveni uu aqbalay. Labada dhinac ayaa sheegay in waqtiga booqashada lagu go’aamin doono wada-xaajood diblomaasiyadeed.

War-murtiyeedka ayaa muujinaya in Soomaaliya iyo Uganda ay mudnaan siinayaan xoojinta iskaashiga amniga, la dagaallanka Al-Shabaab, horumarinta ganacsiga iyo adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed