Ciidanka Booliska Puntland ee Gobolka Nugaal ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal ay ka sameeyeen magaalada Garoowe, kaas oo lagu soo qabtay seddex ruux oo lagu eedeeyey inay gadiidkooda ku sideen maandooriye mamnuuc ah.
Howlgalkan oo ay fuliyeen sida la tilmaamay ciidanka Saldhigga Dhexe ee Garoowe ayaa lagu qabtay gaari nuuca Probox ah iyo Mooto Bajaaj oo waday sida hadala loo dhigay dhalooyin khamri.
Booliska ayaa sheegay in howlgalka uu yimid kaddib markii ay heleen xog amni oo la xiriirta ka ganacsiga iyo qaybinta maandooriyaha, taas oo ay si degdeg ah uga jawaabeen.
Sidoo kale, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay 3 nin oo la socday gaadiidka, kuwaas oo lagu eedeeyey inay ku lug lahaayeen arrintan.
Booliska Puntland ayaa xaqiijiyey in eedeysanayaasha iyo gaadiidka la qabtay loo gudbin doono hay’adaha caddaaladda si sharciga loo waafajiyo.
Hbn Online Tv

