Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxmauud Cali Yuusuf ayaa hadal uu ka jeediyey shirka Gaarka ah ee dalalka Ciidamadu ka joogaan Soomaaliya oo ka socda magaalada Entebbe ee dalka Uganda, kaasoo diiradda lagu saarayay kala-guurka ATMIS iyo sidii dhaqaale loogu heli lahaa howlgalka cusub ee AUSSOM.
Maxmauud oo ugu horeyn u mahadceliyey Dowladda marrtida loo yahay ayaa sheegay in kumannaan wiilal iyo gabdho qiimo badan ay naftooda u hureen nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya
“Muddo ku dhow labaatan sano, waddamada ciidamada ku bixiya Soomaaliya waxay garab taagnaayeen walaalahooda Soomaaliyeed. Kumannaan wiilal iyo gabdho qiimo badan ayaa naftooda u huray nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiye Yuusuf.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in inkasta oo guulo muuqda laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab — oo uu tilmaamay in uusan fashilmin howgalkku. “Soomaaliya wali waxay u baahan tahay taageeradeenna. Waa inaan dhammeystirnaa guulaha laga gaaray xoraynta dhulka, waxaana lama huraan ah in kala-guurka ATMIS looguna gudbayo AUSSOM uusan fashilmin.”
Guddoomiye Maxmauud ayaa ka digay in caqabado dhaqaale iyo culeysyo siyaasadeed ay khatar gelin karaan howlgalkan, isagoo si gaar ah u xusay welwelka laga qabo hirgelinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee 2,719.
“Guddiga Midowga Afrika wuxuu ku dadaalayaa sidii uu u heli lahaa ilo dhaqaale, balse waxa ay u baahan tahay dadaal mideysan oo ka yimaada dalalka xubnaha ka ah iyo saaxiibada caalamka si aan u badbaadino howlgalka nabad ilaalinta Afrika ee Soomaaliya,” ayuu yiri Yuusuf.
Guddoomiyaha ayaa sidoo kale ammaan u jeediyey ciidamada ATMIS-AUSSOM iyo kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha dagaalka, kuwaas oo uu ku tilmaamay geesiyaal dhidib u taagay horumarka muuqda ee amni iyo dowlad dhisid.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaallada siyaasadeed ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo ku dhiirrigeliyay inay si buuxda ula shaqeyso Dowlad Goboleedyada si loo gaaro wacyi siyaasadeed oo mideysan.
“Midowga Afrika wuxuu sii wadi doonaa taageerada uu la garab taagan yahay Dowladda Federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed, si ay u gaaraan nabad waarta, dowladnimo buuxda, iyo horumar dhaqaale,” ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa.
Shirka Entebbe ayaa la filayaa in uu fure u noqdo qorshe mideysan oo lagu sii xoojinayo hirgelinta AUSSOM iyo amniga guud ee Geeska Afrika, isagoo la daalaa dhacaya caqabado dhaqaale.
HBN ONLINE TV