Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay oo war ka soo saaray in aanan la lumi ammaanka deegaannada laga qabsaday Al shabaab

Saraakiisha Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqay Soomaaliya inay xaqiijiso inaan la carqaladeyn guulaha adag ee laga gaaray dhanka ammaanka, maadaama ciidamada Midowga Afrika ay sii wadaan dhimista ciidamadooda jooga Soomaaliya.

Ku-simaha madaxa hawlgallada taageerada nabadda ee Midowga Afrika, Zinurine Alghali ayaa ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay khusayso in ay hubiyaan in dadaallada xasilinta aan la lumin. Alghali ayaa xaqiijiyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay xaqiijinta in Soomaaliya ay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga si loo dammaanad qaado xasiloonida deegaanadda Al shabaab laga saaray, horumarka, iyo barwaaqada dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan rabnaa inaan ku ammaanno dadaallada ay wadaan ciidamada Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah (ATMIS) si ay u gutaan waajibaadkooda,” ayuu ku yiri war-saxaafadeed uu ka soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Zinurine Alghali iyo saraakiil kale oo ka tirsan AU iyo UN ayaa booqasho ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo qiimeyn ku sameeyay wajiga koowaad ee dhimista ATMIS-ka.

Mohammed El-Amine Souef, Ergeyga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya, ahna madaxa ATMIS, ayaa sheegay in qiimeynta wadajirka ah ee farsamada ee wejiga koowaad ee dhimista ATMIS-ka iyo qorsheynta wajiga labaad ay si tartiib tartiib ah u socdaan. Souef wuxuu sheegay in labadaba qiimeynta farsamada iyo qorsheynta wejiga labaad ee dhimista ay ahayd inay si isku mar ah u socdaan sababtoo ah waqtiyada kama dambaysta ah ee la soo rogay darteed.

Peter Kimani Muteti, oo ah taliye ku xigeenka ciidamada ATMIS u qaabilsan dhanka saadka iyo taakuleynta, isla markaana hogaaminaya guddiga farsamada ee qiimeynta ATMIS, ayaa sheegay in diyaar garowga uu marayo heer gabo gabo ah oo lagu soo saarayo 3,000 oo askari oo ATMIS ah.

Kooxda farsamada ayaa la filayaa inay warbixintooda u gudbiyaan golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ugu dambayn 15-ka Sebtember.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed