Midawga Yurub lacag ugu yaboohay ciidanka Soomaaliya ka hor bixitaanka howlgalka Midowga Afrika

Iyadoo Midowga Afrika uu isku diyaarinayo ka bixitaanka ciidamada Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa Midowga Yurub waxa uu ballan qaaday lacag dhan 1 milyan oo Yuuro oo lagu caawinayo ciidamada Soomaaliya. Ujeedada deeqdan ayaa ah in la taageero ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ugu diyaar garoobaan sidii ay si buuxda ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga dalka kadib bixitaanka ciidamada Midowga Afrika ee dabayaaqada sanadka soo socda.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub, Josep Borrell, ayaa carrabka ku adkeeyay inay ka go’an tahay inay in ay tallaabadaas qaadaan, iyga oo siinaya  ciidamada Soomaaliya.

Gargaarkan oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu tababari doonaa xarunta tababarka ee Jeneraal Dhagabadan. Midowga Yurub wuxuu higsanayaa inuu gacan ka geysto soo celinta amniga iyo badbaadada Soomaaliya iyadoo la ilaalinayo dadka rayidka ah. Gargaarka waxaa ka mid ah bixinta hub millateri ee loogu talagalay ujeedooyinka tababarka, kaasoo lala kaashanayo Howlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo bini’aadantinimada.

Midowga Yurub wuxuu si firfircoon u taageeraa Soomaaliya, isagoo siiya qalab iyo agab ku kacaya 69 milyan oo Yuuro Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed tan iyo 2019-kii.

Ciidamada ka kala socda dalalka Kenya, Uganda, Ethiopia, Burundi, iyo Djibouti ayaa lagu wadaa inay si tartiib tartiib ah uga baxaan dalka, si ay u fuliyaan amarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ahaa in la soo afjaro howlgallada ay ka wadaan Soomaaliya dhamaadka sanadka 2024.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed