Mid ka mid ah Abwaanada Soomaaliya caan ka ah oo ku geeriyooday duqeyn ka dhacday Laascaanood

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa sheegaya in Abwaan Jaamac Kadiye Cilmi oo ka mid ahaa abwaanada sida wayn looga yaqaan dhulalka Soomaaliyeed uu galabta ku geeriyooday madfac ku soo dhacay gudaha magaalada Laascaanood.

Goobjogayaaal ku sugan magaalada Laascaanood ayaa sheegay in madfac hoobiye ah oo ciidamada Somaliland soo rideen uu ku dhacay goob uu ku sugnaa marxuumka.

Geerida Abwaan Jaamac Kadiye ayaa ka dhigan shakhsigii labaad ee ka mid ah dadka caanka ah ee ku dhinta toddobaadkan colaadda magaalada Laascaanood, maalmo ka hor waxaa madfac sidan oo kale uu ugu dhacay Amiir Jaamac Mire Digaale oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka ee gobolka Sool.

Warqabadka HBN Online TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed