Meydadka Saraakiishii Imaaraadka & Baxrayn ee Muqdisho lagu dilay oo dalalkooda loo dhoofiyay

Meydadka saddex Sargaal oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta iyo Sargaal u dashay dalka Baxreyn oo lagu dilay xerada Generala Gordan ee magaalada Muqdisho, ayaa maanta laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee caasimadda Soomaaliya, isla markaana dib loogu celiyay dalalkoodii, sida ay sheegtay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta.

Wasaaradda ayaa xaqiijisay in saddex sargaal oo ka tirsan ciidamada Imaaraatka Carabta oo uu wehliyo sarkaal u dhashay dalka Baxreyn ay naftooda ku waayeen weerarka. Intaa waxaa dheer, laba qof oo kale ayaa soo gaaray dhaawacyo intii uu socday weerarka, kaasoo ay Wasaaraddu si cad ugu tilmaantay inuu yahay “fal argagixiso” oo ka dhacay Soomaaliya.

In ka badan shan qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan ayaa ku dhintay weerarka kaddib markii askari uu rasaas ku furay xero ciidan oo ku taalla caasimadda Muqdisho, xilli ay ka soo baxeen masaajid ku yaal xerada dhexdeeda.

Sidoo kale, ku dhawaad ​​15-askari oo dhaawac ah ayaa la keenay Isbitaalka, sida ay sheegeen Labo ka mid ah Kalkaaliyaasha iyo Dhaqtarka Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo codsaday inaan la magacaabin.

Al-shabaab ayaa baahisay war laga sii daayay idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al-shabaab, iyadoo sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Si kastaba saraakiishii ku dhimatay weerarkaas ayaa maanta laga qaaday magaalada Muqdisho kuwaas oo ay qaaday diyaarad khaas ah ee ka timid dalka Imaaraadka Carabta.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed