Maxuu Salka ku Hayaa Dagaalo Beeleedyo Ka Dhacay Galmudug.

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya dagaal Beeleeda ka dhacay Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, dagaalka ayaa geeystay Khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac sida ay ku soo waramayan Ilo Degaanka ah.

Iska hor-imaadkaan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaano dhowr  ah sida Galqoryaale, Ilix iyo kuwa kale oo ka ak-dhaw deegaanka lagu dagaalamay, waxan halkaas ka taagan dhiilo-colaadeed.

Dagaalkaan ayaa la sheegay in cagtu ka hayo Aano qaabil iyo dhul daaqsimeed, taasoo sababtay in roobab halkaasi ka da’ay ay qoysas badan oo reer Guuraa ah ay kulamisay kuwaas oo horay ay ka dhexeeysay Colaado la xiriiro dhanka deegaanka iyo qabaa’ilka.

Si kastaba, dhowr jeer ayey dagaalo nuucaan oo kala ah waxay ku soo laa laabteen gobolka, mana jirto  xal-waaro oo laga gaaray dirirta. Ilaa hadda wax war kama soo bixin maamulka Galmudug oo ku aadan dagaallada.

HBN News Desk, Muqdisho.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed