Maxkmad ku taal Muqdisho oo xukun ku riday hoggaamiye sare oo ka tirsanaa Al Shabaab

Madixii lacagaha uga wakiil ka ahaa Al shabaab deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa maanta lagu riday xukun kaddib markii dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay.

Xaashi Garaad Cali Caalin oo loo yaqaan (Yaxye) ayaa lagu soo eedeeyay inuu ururka Al shabaab u qaabilsanaa Maaliyadda Lacagaha isla markaana waxaa la soo taagay Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Alshaabab ayuu ku biiray 2013kii, isaga oo u qaabilsanaa Maaliyadda Mudug iyo Galgaduud kana holwgali jiray Xarardheere, Joowle Caad iyo Bacaadweyn, sida ay sheegtay Maxkamaadda.

Waxa laga soo qabtay deeganka Baraak Ciise ee gobolka Mudug Todobadii bisha July ee sanadkan.

Ninkaan iyo ruux kale oo la socday ayaa watay laba qori Ak47 ah iyo mooto Fikon waxa ayna ka yimaadeen Baraak Ciise ee u dhow deeganka Bacaadweyn, balse kii kale ayaa goobta ku geeriyooday ka dib markii ay ciidanka la dagaalameen halka Xaashi uu isna goobta ku dhaawacmay.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudaynta kiiskan waxaana laga ogolaaday Labatankii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siisay dhinacyada dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukumay, Xaashi Garaad Cali Caalin (Yaxye) 10 Sano oo Xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Abdi Muumin oo ka tirsan Garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed