Maxkamadda Somalaliland oo Dil Toogashu Ku Xukuntay Akasri Dil Geystay

 

Maxkamadda ciidanka milatariga Somaliland ee darajadeeda koowaad ayaa dil toogasho ah ku xukuntay Askari horay u dilay Askari kale kuwaa oo kawada tirsanaa Ciidanka gaarka ah ee ilaalada Xeebaha Soomaaliland.

Askariga la xukumay ayaa lagu magacaabaa Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi kaas  toddobaadkii hore magaalada Lawyocaddo ku dilay Taliye Khadar Maxamed Caynaanshe oo ay ka wada tirsanaayeen ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland.

Maanta ayana Xukunkaas uu dhacay, waxana lagu wadaa in maxkamaddu ku fuliso qisaasta  Marxuum Khadar Maxamed Caynaanshe.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed