Maxkamadda Gobolka Banaadir oo lagu wado in ay go’aan kama dambeysa ah ka soo saarto mas’uuliyiin ka tirsan dowladda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta la filayaa in ay soo gaba gabeyso dhageysiga dacwadda la xiriirta musuq maasuq ee ay ku lug lahaayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Saddexda eedaysane ayaa racfaan ka qaatay 8-dii bishan ka dib markii maxkamadda ay ku dhawaaqday dacwadooda.

Guddoomiyaha Maxkamadda, Siciid Cali Maxamed, ayaa sheegay in dacwadaha saddexda mas’uul lagu wado in maanta la soo gabagabeeyo. Waxa uu ku nuux-nuux saday in Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu Maxkamadda horkeenay dhammaan cadeymaha la xiriira, taasi oo saldhig u ah dacwadaha loo heysto mas’uuliyiinta la soo eedeeyay.

Si kastaba ha ahaatee, ku dhawaad ​​labo bilood ka hor ayay aheyd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay laashay eedeymo musuq maasuq ah oo loo heystay Shan ka mid ah Saraakiisha Ciidamada Dowladda oo ka kala tirsan Hay’adaha Socdaalka, Canshuuraha iyo Shaqaalaha, kadib markii todobaadyo ay Muqdisho ka socdeen dacwado laga sii daayay Warbaahinta.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed