Maxkamadda Dastuuriga ah ee maamulka Puntland oo go’aan adag ka soo saartay muddo kordhintii ay sameyseen baarlamaanka maamulkaas

Maxkamadda Dastuuriga ah ee maamulka Puntland ayaa go’aan culus ka soo saartay, taallaabadii Golaha Wakiilada maamulkaas ay ku sameysteen muddo kordhin hal sano ah, kaddib kulan ay yeesheen isbuuc hore, isla markaana ay meel mariyeen in ay xafiiska sii joogaan muddo sanad ah.

Bayaan ka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga  ayey ku sheegtay in ay gabi ahaanba burisay  go’aankii Golaha Wakiilada Puntland ee ku aaddana muddo kordhinta, isla markaan ku sheegtay mid baalmarsan sharuucda iyo dastuurka Puntland, kaasoo aanan loo cuskan wax sharci ah. Sidoo kale Maxkamadda ayaa sheegtay in go’aankaas uu dhibaato u horseedayo Puntland, kagana sii darayo xaaladda amamaanka iyo nabad galyada.

Bayaan ay soo saartay Maxakamaddu ayaa lagu caddeyay in Xildhibaannada Golaha Wakiilada Puntland waqtrigoodu uu ku eg yahay 31-12-2023, taasoo ka dhigan in muddo xileedkoodu uu dhammaan doono dhammaadka bishaan December.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay Guddoonka Baarlamaanka Puntland, si kastaba warkaan ka soo baxay Maxkamadda Dastuuriga  ayaa ka dhiageysa in meesha ay ka baxday qorshihii muddo kordhinta, waxana laga war sugayaa sida ay uga felceliyaan dhinacyada siyaasadda ee Puntland.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed