Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukunno ku riday Xaasas ay qabeen hoggaamiyaal ka tirsan Al shabaab iyo shakhsiyaad kale

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukunno kala duwan ku riday Xaasas ay qabeen hoggaamiyaal ka tirsan ururka Al shabaab, darawal wade ka ahaay gaari iyo sidoo kale kirshibooy kuwaas oo horay loo soo taagay Maxkamadda ciidamada.

21 April sannadkaan ayay ciidamada nabad-sugidda ku qabteen Number -50  Gaari Layla Calaawi ah oo ka shiraacday degaanka Kuunya ee gobolka Shabeelada Hoose, waxa uu waday agab laga farsameeyo qaraxyada iyo Xaasas u dhaxa hoggaamiyaal Al shabaab ah.

8 August ee ayey Maxkamadda Ciidamada dhegeysatay kiiskaan, baaritaanno dheer kadib maxkamadda ayaa go’aan ka soo saartay kiisaskaas kala duwan, oo horay loo soo gabagabeeyay dhigeysigooda.

Maanta ayey Maxkamadda shaacisay xukunkii eedeeysanyaasha, Yusuf Cali Nuune Aadan Darawalkii gaariga ayaa lagu xakumay Seddex sano oo Xabsi ciidan ah, waxaana sabab looga dhigay in uusan iska hubin rarka uu ku soo qaaday gaarigii uu waday.

Maxkamadda ayaa go’aamisay in aysan Muqdisho ka bixi karin Xaasaska Al shabaab muddo laba sana ah, iyaga oo laamaha ammaanka ay la socon doonaan dhaqdhaqaaqooda , kuwaas oo lagu kala magacaabo Khadro Maxamed Ciise Warsame, Caaisha Muxudiin Maxamuud Afrax, Sahro Xuseen Ciise Maxamuud, Naciima Faarax Sheekh-Doon Fiidow iyo Khadiijo Socdaal Maxamuud Cadi

Dhanka kale waxa ay Maxkamadda sii daysay Maxamed Sandheere Siyaad Barre oo ahaa Kirshboyga gaariga, sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, guddoomiyaha Maxxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed