Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun dil ah ku fulisay askari dil ka geystay Galmudug

Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya, ayaa waxa ay xukun dil ah ku fulisay askari C/salaan Cali Axmed, oo horay dil ugu geystay C/laahi Cali Hudey, marxuunka ayaa la dashay taliyaha booliiska Guriceel.

Xukunka toogashada ah ayaa lagu  fuliyay fagaaraha magaalada, waxana ka soo qeyb galay boqolaal ruuux, askarigaan ayaa ka tirsanaa ciidamada NISA, ciidamada ayaa go’aan ka qaateen dambiyada ay ku lug leeyihiin shaqaalahooda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa horay xukuno kala duwan ugu riday askar lagu helay dambiyo dil ah. Saamaynta mustaqbalka ee ficilada noocan oo kale ah ee anshaxa milatariga ayaa soo badanayay muddooyinkii dambe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed