Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo riday xukun dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee dowladda Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku ridday Sakariye Cali Axmed oo ka tirsanaa ciidamada Booliska ee loo heystay dilka Cali Xasan Siyaad oo isna ka tirsanaa ciidamada Booliska, dilkaas ayaa dhacay sannadkii hore.

Sakariye ayaa marxuumka  ku dilay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho 28-kii July 2022, isagoo qaatay qorigii dilka iyo hubkiisii kadibna waxaa uu ka baxsday dalka, sida ay shaacisay Maxkamadda.

Gacan ku dhiiglaha ayaa markii uu ka soo baxsaday Soomaaliya waxaa uu aaday dalka Koonfurta Suudaan, balse waxaa si wada jir ah gacanta ugu soo dhigay Booliska Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee Interpol, waxana dib loogu soo celiyay dalka.

Inntaas kadib Maxkamada ayaa bilaawday dhageysiga eedda loo heysto, waxana caddaatay in uu si ku tala gal ah u dilay marxuum Cali Xasan Siyaad. Maxkamadda ayaa maanta soo saartay go’aankii ugu dambeysya waxaana lagu riday xukun dil toogasho ah.

HBN NEWSD DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed