Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo maanta xukun dil ah ku riday labo nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun dil ah ku riday Anas Cabdulqaadir Cali Maxamuud oo loo yaqaan (Salmaan) iyo Aadan Mursal Maxamed Macalin (Iidow) oo lagu eedeeyay in ay dilal ka geysteen gobolka Mudug iyo katirsanaanta Al shabaab.

Labadan nin ayaa horay xukun loogu riday, waxaana ugu dambeyn kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda Sare kadib markii ay racfaan ka qaateen xukunkii hore.

Anas Cabdulqaadir iyo Aadan Mursal ayaa laga soo duubay muuqaallo, waxaana ay qirteen dilal ka dhacay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa 22-May-2023 ku xukuntay Anas iyo Aadan dil toogasho ah iyadoo loo eegayo tirada dadka ay dileen sida ay Maxkamaddu sheegtay, waxaana kiiskooda loo gudbiyay Maxkamadda sare ee Ciidamada Qalabka Side ee Soomaaliya  oo ugu dambeyntii ogolaatay xukunka dilka ah. .

Aadan iyo Anas waxa ay qirteen in ay ka dambeeyeen dilka Marxuumiinta oo kala ahaa Cilmi Cali Guuleed, Cabdi Aadan Siyaad iyo Maxamed Jaamac Maxamed, waxaana ugu dambeyn dacwadooda ay u gudbeen Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed