Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo ku dhawaad 10 sano oo xarig ah ku xukuntay xubno ka tirsan Daacish

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa siddeed sano oo xarig ah ku xukuntay labo xubnood oo ka tirsan Daacish oo lagu eedeeyay falal argagixisanimo oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhawaaqay in A/qani Aadan Cali (Cilmi) iyo Axmed Cali Diiriye (Macalin Axmed) oo ka tirsanaan jiray Al-Shabaab ay hadda ku xiran yihiin Daacish.

Ciidamada ayaa gacanta ku dhigay Cabdiqani oo watay boorso ay ku jiraan labo qarax, xilli uu doonayay inuu Axmed Cali Diiriye ku wareejiyo qaraxyada Masjidka Alnuur xaafada ee  Dabakaayo Madow  ee degmada Dharkeynley 16-kii October ee sanadkan. Waxaa kaloo guriga Cabdiqani laga helay walxaha qarxa.

Daacish oo looga bartay in ay ka howlgalaan Buuraleyda Gobolka Bari ee Soomaaliya, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weeraro dhowr ah oo ka dhacay Koofurta Soomaaliya.

Dabayaaqadii sanadkii hore, Mareykanka ayaa cunaqabateyn ku soo rogay Daacishta Soomaaliya ee uu ku eedeeyay in ay ku lug leeyihiin “shabakadda hubka ka ganacsiga ee Bariga Afrika.

Sannadkii 2018-kii, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa Daacish Somalia ku dartay liiska Argagaxisada Caalamiga ah ee sida gaarka ah loo asteeyey.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed