Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo xukun ku riday koox lagu eedeeyay falal Argagixiso iyo arrimo kale

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa mar kale soo saartay xukunno kala duwan oo lagu riday koox lagu soo eedeeyay falal Argagixiso. Kooxdan ayaa ku lug lahayd dilal qorsheysan iyo falal kale oo rabshado watay.

Weerarkii fashilmay ee kooxdu ay 17-kii Sebtembar, 2022, ka geysatay degmada Howlwadaag ayaa keentay in si degdeg ah ay u qabtaan ciidamada ammaanka ee qarsoon.

Kooxdan oo ka kooban siddeed xubnood, waxay ku hubaysnaayeen qoryaha RPG-ga, F1-bam-gacmeedyo, AK-47s, waxayna wateen diiwaanno dhaqaale, qalab caafimaad, iyo baabuur nooca raaxada ah.

Xubnaha qaar ayaa la soo qabtay iyaga oo dhibaateynaya dadka rayidka ah, halka qaar kalena lagu soo qabtay goobo qarsoodi ah oo ku yaala xaafadaha Muqdisho sida Gubta, Xaawo Cabdi, Oodweyne, Alxayaat Ceelasha, Ciise Cabdi, Cali Turcaye.

Dacwado dhowr ah ka dib, Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa xukuno kala duwan ku riday 17-kii December 2022, iyo July 1, 2023.

Maxkamadda sare oo waqti ku filan siisay kiiskan ayaa maanta ku dhawaaqday xukunkii ugu dambeeyay ee kooxda loo yaqaan Jugta culus.

Cabdi Naasir Cismaan Nuunow Maama iyo Maxamed Daahir Abuukar (Ismaaciil) oo ah hogaamiyihii kooxda ayaa is dhiibay February 8, 2023.

Xasan Cali Xuseen Ibraahim ayaa lagu xukumay dil toogasho ah oo uu u geystay askari ka tirsanaa ciidamada milateriga Cabdiraxmaan Cabduqaadir Cabdi Axmed bishii Juun 18, 2023.

Caddow Axmed Calasow ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah.

Cabdiweli Sheekh Mukhtaar Maxamuud oo kooxdan u qaabilsanaa dhinaca gaadiidka iyo saadka caafimaadka ayaa lagu xukumay siddeed sano oo xabsi ciidan ah.

Ibraahim C/llaahi Maxamed Xuseen, oo ku baxay lacag ka badan saddex kun oo dollar, isla markaana uu si gaar ah u xusay garsooraha labaad ayaa lagu xukumay shan sano.

C/llaahi Sheekh Maxamed Hilowle, oo kooxda u maamuli jiray xarumaha sirta ah, isla markaana daryeeli jiray maleeshiyaadka dhaawaca ah ayaa lagu xukumay saddex sano oo xabsi ciidan ah.

Saynab Ibraahim Aadan Xuseen oo 13-kii January 2023-kii iska soo dhiibtay , isla markaana u qaabilsanayd hubka kooxdaas, ayaa maxkamadda sare waxay ku xukuntay siddeed sano oo xabsi ciidan ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed