Maxkamad ku taal Puntland oo xukun dil ah ku riday labo wiil oo dhalinyaro ah

Maxkamadda Puntland ee magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xukun dil ah ku riday labo nin oo horraantii sanadkan gabar yar ku dilay gobolka Mudug.

Gabadha la dilay oo lagu magacaabi jiray Naciimo Cabweli Cismaan oo 16 sano jir aeyd ayaa waxaa dilay ninkeeda oo lagu magacaabo Liibaan Maxamed Yuusuf oo 22 jir ahaa, waxaana gacan ku siiyay dilkeeda ninka labaad ee la xukumay kaas oo lagu magacaabo Jaamac Maxamed Yuusuf. 20 jir.

Sababta uu u dilay xaaskiisa ayaa lagu sheegay in ay diiday in ay la noolaato, isla markaana ka dalbatay in la furo, arrintaas ayaa dhalisay dilka Gabadha.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa ka dhacday deegaanka Daarusalaam ee degmada Galdogob ee gobolka Mudug,  taariikhdu markaey ahayd 18/4/2023.

Xukunka kadib, Maxkamadda ayaa ogolaatay in eedaysanayaasha ay qaadan karaan racfaan haddii aysan ku qancin xukunka lagu riday.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed