Maxkamad ku taal Puntland oo laashay Go’aankii SSC Khaatumo ay kaga bexeen doorashada Xildhibaanada maamulkaas

Maxkamada sare ee Puntland ayaa si rasmi ah u diiday go’aankii kasoo baxay SSC-Khaatumo ee ahaa i xildhibaannadooda  laga soo xulo  maamulka Puntland doorashooyinka soo aaddan ee 2024. War saxaafadeed rasmi ah oo ka soo baxay guddoomiye ku xigeenka maxkamadda sare ayaa lagu sheegay in go’aanka SSC iyo Khaatumo aanu waafaqsanayn habkii loo maray kala qaybinta labada maamul.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa ku nuux nuuxsaday in Puntland ay xaq u leedahay soo xulista xildhibaanada iyadoo la adeegsanaayo habraaca la dejiyay ee la aqoonsan yahay. Wuxuu tilmaamay in doorashada kadib go’aan laga gaari doono go’aanka SSC  Khaatumo ee ka bixitaanka Puntland, guddoomiye ku xigeenka ayaa caddeeyay in xildhibaanadii hore ay sii wadi doonaan doorkooda wakiilnimada sharciga inta laga soo dhameystirayo hannaanka doorashada Puntland.

Arrintaan ayaa muujineysa caqabada iyo khilaafka u dhaxeeya SSC-Khaatumo iyo Puntland, gaar ahaan soo xulista iyo aqoonsiga xildhibaanada. Diidmada maxkamadda sare ee Puntland ayaa gogol xaar u noqon karta doodo dhanka sharciga iyo habraaca ah iyadoo labada maamulba ay ka warhayaan xaaladaha cakiran ee xiriirkooda.

HBN  NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed