Maxkamad ku taal Puntland oo fulisay xukunno kala duwan

Maxkamada darajada kowaad ciidamada  qalabka Sida ee shanta Gobol iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa 3 nin oo ka tirsan Daacish ku riday xukunno kala duwan maanta, kadib markii la hor geeyay maxkamada.

Dhageysiga dacwadooda ayaa lagu helay kiisas lagu eedeeyay ahay in ka tirsan yihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta gobolada bari ee maamulkaas.

Maxkamada ciidamada Puntland ayaa sidaan u riday xukunnada raggaan ka tirsan ururka Daacish.

1. Salman Faarax Maxamed ayaa lagu xakumay 15 sano oo xarig ah.

2. Cabdullahi Shire Maxamuud oo ahaay Nabadoon Daacishta damiinta sida ay sheegtay Maxkamadda  ayaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah.

3. Maxamed Axmed Maxamuud waxaa lagu xukumay 10 Sano oo xarig ah.

Muddooyinkii dambe Maxkamadaha Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridayay shaqsiyaad ku lagu eedeeyay in xiriir iyo wadashaqeyn lala haayeen ururada Daacisha iyo Al shabaab.

HBN NEWS DESK.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed