Maxkamad ku taal Muqdisho oo soo saartay amar lagu soo xirayo sarkaal baxsad ah oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa soo saartay amar lagu soo xirayo sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya, kaasi oo lagu magacaabo Cabdulqaadir Maxamuud Ibraahim.

Ibraahim oo hadda baxsad ah ayaa lagu soo eedeeyay musuq maasuq, ku takri fal hanti dadweyne, iyo dukumentiyo been abuur ah oo uu sameeyay, xilli uu mas’uul ka ahaa canshuuraha degmada Warta Nabadda.

Maxkamaddu waxay si rasmi ah u qabatay 30 maalmood oo ka bilaabmaya 11 November 2023 ilaa 10 December 2023 in uu ku hor yimaado maxkamada Muqdisho si uu u wajaho eedaymaha loo haysto.

Maxkamada ayaa sheegtay hadii uu u hogaansami waayo amarka maxkamada in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.

Arrintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay socdaan olole ka dhan ah musuq-maasuqa oo ay waddo dowladda hadda jirta ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo mas’uuliyiin dhowr ah xabsiga loo taxaabtay, isla markaana dacwado lagu soo oogtay.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii maxkamada ay bilowday dhageysiga mas’uuliyiin lagu helay musuq maasuq, kuwaasi oo racfaan ka qaatay xukunkii hore.

Waxaa jira mas’uuliyiin dhowr ah oo ay ka mid yihiin Muxiyadiin Sabay, Agaasimihii hore ee Waaxda Canshuuraha Bariga, Cabdulqaadir Cilmi Cali, Agaasimihii hore ee laanta socdaalka iyo Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo isaga ka soo baxsaday Soomaaliya, kadib markii lagu daray koox ku eedeysan musuq, lana bixyay amar lagu soo xirayo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed