Maxkamad ku taal magaalada Muqdisho oo fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil dowladeed

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay dhegaysiga Dacwad loo haysto Saraakiil dowladdeed oo ku eedaysan musuq maasuq, isla markaana lagu wado baaritaano culus.

Eedaysanayaasha ayaa ka kala ah Agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha Maxamed Aadan Koofi kaas oo ku eedaysan lunsasho Hanti gaaraysa 4 Malyan oo dollar iyo Eedaymo kale oo Xafiiska Xeer ilaalinta Qaranku ku soo eeddeeyey, sida ay sheegtay xeer ilaaalinta.

Sidoo kale Waxa Eedaysanayaasha ka mid ah Cabdulqaadir Cilmi Cali oo ah agaasimihii hore ee Haya’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddaha isagoo ku Eedaysan ka qayb qaadasho dambi iyo gudasho la’aan waajib iyo masuuliyad Xafiis dowladdeed,sidoo kale waxa uu ka qayb qaatay lunsasho dakhli dowladdeed oo gaaraysa 5,327,355 oo dollar iyo eedeymo kale oo uu ku soo oogay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxa Eedaysanayaasha Maxkamadda dacwadooda la hor keenay waxa ka mid ah Cusmaan Xasan Cosoble,Cabdikaafi Xasan Maxamed iyo Agaasimihii Cashuuraha Bariga ee Wasaaradda maaliyadda Eedaysane Muxiyadiin Xasan Jurus Saabeey oo ku Eedaysan lunsasho hanti maaliyadeed oo dhan 20 Malyan oo dollar.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed