Maxkamad ku taal Koofur Galbeed oo dil toogasho ku fulisay askar ka tirsanaa ciidamada dowladda Soomaaliya

Geedow Maxamed Fidle (Abuurow) oo ka tirsan Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa lagu fuliyay dil-toogasho taasoo ah qisaasta Marxuum Mursal Cali Cabdi oo uu ku dilay Buur-hakaba, Dilka ayaa ka dhashay rasaas oo uu Geedoow ku riday gaari Caasi ah oo ka yimid Muqdisho kuna siijeeday Baydhaba.

Sidoo kale Ismaaciil Cadullaahi Cadiraxmaan (Dhagey) oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo isna horay u dilay Marxuum Xuseen Ugaas Cabdiraxmaan oo ay qaraabo ahaayeen kana tirsanaa Saldhigga Boliiska Rabdhuure ayaa isna lagu fuliyey dilkii qisaasta marxuum xuseen. dilka xuseen ayaa ka dhashay muran la xiriira kaararka lagu qaato raashinka oo dhex maray labadooda.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta Maamulka koonfur Galbeed ayaa horay ragaan ugu ridday dilka toogashada ah ee manta ay maxkamaddu ku fulisay,waxaana horay sarakiisha maxkamadda ciidamada qalabka sida goobo fagaara ah askarta ugu shegeen in askarigii dil geystaa sharciga la waafajin doonno.

Shalay ayey aheyd markii askar dilal geystay lagu tooktay magaalada Baydhabo kuwaas oo la hesytay eedo kuwaan la mid ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed