Maxkamad ku taal Kismaayo oo xukun ku riday nin horay u dilay hooyadiis

Maxkamadda Magaalada Kismaayo ee maamulka Jubalandayaa saaka shaacisay xukun dil ah oo ay ku ridday 29 bishii 8aad ee sannadkaan Xasan Cabdullaahi Cabdi oo 11-kii bishii 6-aad Magaaladaas ku dilay hooyadiis Xaliimo Maxamed Cumar, kaas oo lagu hayay xabsi ku yaal magaalada Kismaayo.

Xukunkaan ayey maxkamadu sheegtay in dhawaan lagu fulin doono Xasan Cabdullaahi Cabdi, kaas oo ay laamaha amniga gacanta ku hayaan, arrintaan ku saabsan dilka uu dilay Hooyadiis ayaa dhalisat hadal heyn xooggan, oo qabsatay warbaahinta bulsha.

Si kastaba, Maxkamadda Ciidamada ayaa xukunno kala duwan ku ridaysay muddooyinkii dambe shakhsiyaad dilal u geystay ehelladodoa.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed