Maxkamad ku taal Jubaland oo xukun ku riday askari horay dil u geystay

Maxkamadda ciidamada qaybteeda Jubbaland ayaa  xukun dil toogasho ah ku xukuntay  Maxamed Cabdullaahi Siciid Maxamed Khadar oo ka tirsanaa ciidanka Jubbaland kaas oo horay u dilay Marxuum  Maxamed Deeq Nuune Saalax taariikhdu markay ahayd lixdii Bishii Tobnaad ee sanadkii 2022-kii, sida ay sheegtay Maxkamaddu.

Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa dhagaystay dhowr mar oo kala duwan garmaqalka kiiskan maanta xukunkiisa ay ku dhawaaqday, kaas oo soo maray marxalado kala duwan.

G/Dhexe Bashiir Maxamuud Xareed (Qam-dariiran) Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Jubbaland ayaa ku dhawaaqay xukunka maanta la shaaciyay.

Si kastaba, waxa lagu wadaa in maxkamaddu ay fulin doonto toogashada Maxamed Cabdullaahi Siciid Maxamed Khadar oo la sheegay in lagu helay kiiska ku saabsan in uu dilay Marxuum  Maxamed Deeq Nuune Saalax.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed