Maxkamad ku taal Galmudug oo xukuno ku riday 24-askari oo loo heystay dambiyo kala duwan

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Maamulka Galmudug oo dhageysatay dacwad loo heystay 24-askari oo isugu jiray Boolis, Nabadsugid iyo Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka, kuwaasi oo u xirnaa falal kala duwan, ayaa ugu dambeyn go’aan ka soo saartay.

Kiisaska askartan la maxkamadeeyay ayaa isugu jira dil, dhaawac halis ah, dhac iyo dhibaato loo geystay dad rayid ah oo ku sugnaa degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ee maamulka Galmudug.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo dacwad ku soo oogay Askartaasi, ayaa Maxkamadda horgeysay cadeymo muujinaya kiisaska lagu soo eedeeyay iyo marqaatiyaashii ku marqaati furay eedeymaha loo soo jeediyay.

Qareenada u doodayay askarta la soo eedeeyay ayaa maxkamada ciidamada qalabka sida u soo bandhigay cadeymo ku saabsan kiisaska kala duwan ee askartan lagu soo eedeeyay.

Ca/casiis Cismaan Faarax oo ah Xeer Ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Maxkamadda ka hor sheegay in ay dileen Askari kale oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka, gaar ahaan 12-kii April, kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuur Axmed Maxamed.

Baaritaanka kiiskii ka dhacay ee Degmada Guriceel, ayuu sheegay in ay ku ogaadeen in askartan ay eedeymahaasi soo jeediyeen, wuxuuna Maxkamadda ka codsaday inay go’aan ka gaarto.

15 ka mid ah Eedeysanayaasha oo kala ah Boliis iyo Nabadsugid, waxa ay Maxkamaddu ku xukuntay Saddex Sano oo Xabsi Ciidan iyo Magdhow ah Marxuum Syed Salaad Cali, Nuur Axmed Maxamed iyo 5-ruux oo ku dhaawacmay falkaasi.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida gaar ahaan kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa ugu dambeyn sii deysay 8 askari oo lagu waayay dhammaan dacwooyinkii kala duwanaa ee lagu soo eedeeyay, waxaana ay xukuntay in xabsiga laga sii deyn doono haddii lagu helo dambiyo kale.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed