Maxkamad ku taal dalka Kenya oo diiday ciidamo dalkaas ah oo loo dirayo Haiti

Maxkamad ku taal dalka Kenya ayaa Talaadadii shalay kordhisay amar ka mamnuucaya dowladda in ay boqolaal askari oo booliis ah geyso Haiti, si ay u fuliyaan howlgal ay Qaramada Midoobay taageerto, kaasi oo looga gol leeyahay in lagu nabadeeyo dalka qalalaasaha ku haya ee Caribbean-ka.

Xukunka ayaa yimid maalin kadib markii Qaramada Midoobay ay ka digtay in ammaanka Haiti, halkaas oo kooxaha rabshadaha wata ay ka taliyaan dhul ballaaran oo dalka ka mid ah, iyadoo dambiyada waaweyn ay gaareen heerkii ugu sarreeyay.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa horraantii bishii Oktoobar fasaxay in la geeyo howlgalka caalamiga ah ee aan Qaramada Midoobay ka tirsanayn, ee ay Kenya hoggaamiso, si ay u caawiyaan booliiska Haiti ee buux dhaafiyay.

Laakin maxkamada sare ee Nairobi ayaa intaa ka dib ogolaatay amar ku meel gaar ah kiis uu keenay siyaasiga mucaaradka ah ee Ekuru Aukot, kaasoo ku dooday in keenista ciidamadaasi ay tahay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka maadaama aysan jirin sharci ama heshiis.

Ilaa hadda lama soo gabagabeyn xogta ku saabsan in ciidamada Kenya loo diro dalka Kenya, maadaama baarlamaanka uusan ansixin sharcigan.

Golaha Wasiirada Kenya ayaa 13-kii bishan October sheegay inay ansixiyeen ciidamadaasi, waxayna go’aankaasi u gudbiyeen Baarlamaanka si loo ansixiyo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed