Maxkamad ku taal Baydhabo oo dil toogasho ah ku fulisay seddex askari kuwaas oo horay u geystay dilal kala duwan

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in seddex askari lagu toogtay duleedka magaalada Baydhabo, kuwaas oo horay loo xakumay sida shaacisay maxkamaddu kadib dilal ay geysteen.

Toogashada ayaa ka dambeysay kadib markii maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukun dil ah ku riday Xuseen Cali  oo ka tirsanaa Ciidanka Daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed,  C/waaxid Cali oo asna ka tirsanaa Militariga Soomaaliya iyo C/llaahi Ibraahim oo ka mid ahay Booliska Koonfur Galbeed, sida ay sheegtay maxkamaddu inta ay socotay eeddooda.

Xuseen iyo C/waaxid ayaa qof rayid ah ku dilay magaalada Baydhabo June 18, 2018, halka Cabdullaahi uu dilay nin farmashiste ahaa oo isku diyaarinayay guurkiisa  bishii June 3, 2023.

HBN NEWS DESK

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed