Maxkamad ku taal Baydhabo oo dil toogasho ah ku fulisay askar ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka

Maxkamada Ciidamada Soomaaliya xarunteeda magaalada Baydhabo ayaa xukunno dil ah ku riday labo askari kuwaas oo dilal kala duwan geystay, sida lagu sheegay garmaqalka dacwadooda.

Dable Ciidanka  xoogga Yuusuf Isaaq Nuur Aadan ayaa maanta magaalada Baydhaba loogu oofiyay qisaasta marxuum Mustaf Xaaji Xasan Madkuus oo uu dilay kadibna uu Ceel ku riday si aan Loo arkin meedkiisa.

Dhinaca kale Ex dable Boolis Aadan Maxamed Xasan Ibraahim (Boqol) ayaa isna loo toogtay dil uu u geystay Sheekh Cali Ahmed oo ahaa wayeel 65 jira, dilka ayaana yimid ka dib markii marxuumka uu isku dayay in uu dilaaga ka waaniyo isbaaro u taalay gudaha Xaafad ku taala Baydhaba, sida Maxkamaddu ay sheegtay.

Maalmihii la soo dhaafay eedeeysanayaal kala duwan ayaa lagu tooganayay magaalada Badhyabo, kuwaas oo horay loo geeyay maxakamadda ciidamada Soomaaliya qeybta maamulkaas.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed