Maxay Yihiin Sharciyada Uu Saxiixay Madaxweyna Soomaaliya ee Muhiimka ah.

Madaxweynaha dowladda  Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciyo  dhowr ah kuwaas oo  Baarlamaanka Soomaaliya labadiisa gole ay Ansixiyeen.

Sharciyadan ayaa horay loogu gudbiyay Xafiiska Madaxweynaha, ugu dambeyn qalinka ayuu ku duugay, waxaynaka dhigantahay in ay yihiin kuwa Sharci ah oo u baahan in la fuliyo.

Sharciyadan ayaa kala ah; sharciga La-dagaallanka Argagixisada, Sharciga Dhismaha Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed, Sharciga Socdaalka, Sharciga Dhowrista Xogta Dadweynaha, Sharciga Nidaamka Lagu Hagayo Kheyraadka Dhulka Hoostiis, Sharciga Dhowrista Maalgashiga iyo Maalgashadayaasha, Sharciga Aqoonsiga Iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey guddoonka iyo mudaneyaasha Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida ay u dardar-geliyeen ansixinta shuruucdan oo aas-aas u ah dowladnimada Soomaaliyeed iyo hirgelinta nidaam ku saleysan sharci iyo dowladnimo casri ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku ammaanay Golaha Xukuumadda iyo khubarada Soomaaliyeed soo diyaarinta shuruucdan, waxa uuna tilmaamay in ay taariikh cusub u tahay dowladnimada Soomaaliyeed, maadaama ay yihiin sharciyadii ugu badnaa ee muddo kooban lagu ansixiyo, taas oo muujinaysa muhiimadda wadashaqeynta Hay’adaha dowladda.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed